Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Abaaro ku habsaday deegaano ka mid ah G/sh/dhexe

Sida uu inoo sheegay Gudoomiyaha degmada Ruun nirgood ee gobolka Sh/Dhexe Maxamad Maxamuud Raage oo ku magac dheer Moosle, maantana soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in abaar baahsani ay ku habsatay deegaano ka mida Gobolka, isagoo sheegay inay saameyn ku yeelatay Caruurta, Haweenka, dadka da`da ah iyo xoolaha.

Dadkan oo isugu jira Waayeel iyo Carruurta ayaa waxaa qaarkood ku dhacay cuduro kala duwan sida shubanka oo ku dhacay markii ay la soo gudboonaatay nafaqo darro baahsan , taasoo nugleysay awooddoodii shaqsiyadeed, islamarkasina aysan jirin isbitaalo lagu dabiibo, marka laga reebo magaalada muqdisho oo ay soo aadaan , taasoo laga yaabo inay wadada ku qur baxaan.

Gudoomiyaha Degmada Ruun nirgood ayaa hadalkan maanta ka sheegay shir jaraa`id oo uu ku qabtay magaalada muqdisho oo uu kaga cabanayay mashaakilaadka heysta deegaankaasi, waxaana uu ka dalbaday dhamaan hay`adaha gargaarka ee ka howl gala soomaaliya inay kaalmo la soo gaaraan dadkan abaartu ay waxyeeleysay.

Dhinaca kale waxaa uu codsi u jeediyay Ganacsatada magaalada Muqdisho sidii ay wax ugu qaban laheeyeen dadka ay abaartu ku dhufatay, isagoo ka sheegay in xilligan oo wax loo qabtaa ay tahay kaalin weyn oo dadaal xagga bini`aadminimada ah.

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya