John garang Mbiyor oo aakhirkii lagu bud-dhigay gobolka
koonfureed ee juba
Sida ay sheeggayaan wararka aynu ka helayno magaalo
madaxda Sudan ee Khartuum ayaa sheeggaya in haatan ay ka socoto gobolka
dhinaca Koonfureed ku yaalla ee Jubba aaska madaxweyne ku xiggeenka
Sudan Mr John Garang Mbiyor oo shil diyaaradeed dhawaantan ku
geeriyooday
Kumanaan
kun oo qof oo reer sudan ah ayaa waxay haatan ku sugganyihiin gobolka
dhinaca Koonfureed ku yaalla ee juba si ay uga qaybgalaan aaska
hoggaamiyihii jabhadda SPLA islamarkaasna ahaa madaxweyne ku xiggeenka
Sudan John Garang Mbiyor oo loogu talo galay in aaska lagu soo
gabogabeeyey saacado kooban
Saraakiil ka socotay Qaramadda
Midoobay,Madaxweynaha Koonfurta Afrika,Madaxweynaha Uganda,Madax ka socota
dalalka reer galbeedka ah,
Dublamaasiyiin,Madaxwaynaha
Sudan,Madaxweynaha kenya,Ra,iisul wasaaraha itobiya,Xog-hayaha Guud ee
Jaamicada Carabta iyo waliba wafuud caalami ah ayaa ka qaybgaleen aaska
hoggaamiyaha geeriyooday oo maanta lagu bud-dhigay halkii uu ku dhashay
Dhowr daqiiqo ayaa loo aamusay Meydka
Madaxweyne ku xigeenkii geeriyooday John Grang markii la keenay halkii ay
ku sugnaayeen madaxdii ka kala socotay daafaha adduunka, Iyadoo dhinaca
kalena la Huwiyey meydka Grang Calankii Sudan
Meydkii madaxweyne ku xiggeenkii Sudan Joh
Garang ayaa intii aan Ciidda lagu rogin la dhex mariyey cutubyo ka tirsan
Ciiddanka Booliiska oo loogu talo galay in ay siiyaan xirshadii ugu
dambaysay Iyadoo dhinaca kalena ay saf saf u taagnaayeen eheladiisii
kuwaas oo dhar isku midir ah watay,Kadibna Meykii waxaa loo soo galbiyey
Dhinaca Qabrigii loogu talo galay in lagu Bud-dhigo
Afar Ka mid ah ciidanka qalabka sida ee
Sudan ayaa waxay garbaha ka galeen Meyka Madaxweyne ku xigeenka
Geeriyooday,Iyadoo la arkayey qaar ka mid ah dadka sida wayn u
taageersanaa Hoggaamiyaha Geeriyooday oo ilmadu hititiqayso
Waxayna Wararku sheeggayaan in halkaasi
ducooyin ay uga akhriyeen wadaadado ka kala socday kaniisadaha kala
gedisan ee ku yaalla dalka sudan
Qabri hal mitir iyo bar ah islamarkaasna
laga sameeyey dhismo shub ah ayaa lagu aasay madaxweyne ku xigeenkii
geeriyooday,Iyadoo dhinaca kalena ay goobtaasi ku suggnaayeen Afadiisii
iyo waliba dhammaan eheladdiisa taasi oo dhaqan u ah Dadka uu ka dhashay
hoggaamiyaha geeriyooday John Grang Mbiyor
Qoomiyadda uu ka soo jeedo madaxweyne ku
xigeenka geeriyooday ayaa waxaa dhaqan u ah,In marka uu qof ka geeriyoodo
qabriga uu qodo qofka ugu da"da wayn reerka, Waxaanna sidoo kale shardi ah
in meydka uu bud-dhigo Abtigiis iyo qofka reer-ka laga geeriyooday ugu
wayn islamarkaasna waxaa daqiiqdo kadib timaha laga xiirayaa dhammaan rag
iyo dumar dadka laga geeriyooday

Ammaanka waddooyinka waawayn ee magaaladda
khartuum ayaa aad loo adkeeyey Iyadoo la arkayey boqolaal ciidanka
booliiska ah oo gaaf wareegaya hareeraha waddooyinka si ay uga hor taggaan
rabshaddo hor leh oo laga cabsi qabo in maanta ay ka dilaacaan magaaladda
khartuum
Sikastaba ha ahaatee Madaxweyne ku xigeenka
Sudan John Grang Mbiyor islamaska ahaa hoggaamiyihii jabhadda SPLA ayaa
waxuu horaantii todobaadkan ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacday
xadka Sudan iyo Uganda islamarkaasna ay ku geeriyoodeen dhammaan madaxdii
saarnayd diyaaradaasi oo laga lahaa dalka Uganda
Dadka ka faalooda siyaasadda Sudan ayaa
sheeggaya in geerida Madaxweyne ku xiggeenka ay dhibaato hor leh u keeni
karto wadahadaladii u socday dadka reer koonfureedka ah iyo Dawladda dalka
Sudan
Mursal Nairobi