Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   
Wafdi uu hogaaminayo Xaabsade oo soo gaaray maanta Muqdisho

Xildhibaan Maxamad Ibraahin Xaabsade oo la hadal hayay imaanshihiisa magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray abaarihii 5:00 galabnimo xilliga Muqdisho kagadaal markii uu ka soo ambabaxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Xildhibaan Xaabsade ayaa qaar ka mida Xubnaha labada Gole ee ku sugan magaalada Muqdisho ay kaga hortageen degmada Wanwalweyn ee gobolka Sh/hoose, iyadoo xubnihii ku soo dhoweeyay halkaasi ay ka mid ahaayeen wasiirada Cusmaan caato, Barre hiiraale, iyo qaar kale oo ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka.

Safarka Xaabsade ayaa waxaa ku wehlinaya qaar ka mida Mas`uuliyiinta gobolka Bay, iyadoo ujeedka safarkiisa lagu macneynayo ka qeybgalka kulanka lagu wado inuu ka dhaco degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, kaasi oo ay isugu tegayaan xubnihii horay u aasaasay Ururkii Samatabixinta oo uu gudoomiyaha u ahaa Muuse Suudi Yalaxoow oo haatan ah Wasiirka Ganacsiga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Hase yeeshee Qaar ka mida xubnaha labada gole ee ka soo jeeda digil iyo mirifle ayaa si cad u cambaareeyay shirkii ka dhacay magaalada barraawe ee gobolka sh/hoose, iyadoo ururka isku xirka dowladda iyo shacabka oo fadhigiisu yahay magaalada muqdisho uu isna ka digay inaanay xubnahaasi tegin degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, waxaana ay sheegeen in dhibaatadii ka timaada Mas`uuliyadeeda ay qaadi doonaan xubnihii shir ku qabsada halkaasi.

Xubnahan isugu tegaya magaalada Balcad ayaa wararku sheegayaan inay ku dhawaaqayaan urur cusub oo sida muuqata ay kaga soo horjeedaan dowladda ay xillalka ka hayaan, waxaana haatan la dareemayaa abaabulkooda ciidan oo ay kaga jawaabayaan dhowaan Ciidamadii soo gaaray xarunta gobolka Sh/dhexe ee Jowhar

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

Muqdisho Somaliya