Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Hub ay Dowladdda Yugaandha ugu deeqday DFS oo lagu wareejinayo  C/risaaq Jurile iyo Maxmed Dheere

Dowladda Uganda ayaa hub u ugu deeqday dowladda Federaalka Soomaaliya una soo marsiinaysa xukuumadda dalka Itoobiya,iyadoo arrimaha hubkan xilligan magaalada addis ababa u joogan xubno ka socda dowladda soomaaliya.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya dowladda Uganda ay siisay dowladda Federaalka Soomaaliya hub kala duwan, iyadoo hubkan la doonayo in la keeno gudaha dalka Soomaaliya, kaas oo dalka itoobiya looga soo qaadi doona gaadiidka Xamuulka sida ay sheegayan warar laga helayo Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Jowhar.

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya C/risaaq Jurile iyo Guddoomiyaha Maamulka Jowhar Maxame Dheere ayaa magaalada Addis ababa waxay u joogan arrimaha hubkan,iyadoo madaxdan la sheegay inay la wareegi doonaan hubkan.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Uganda kol hore keentay Itoobiya hubkan, laakiin hadda laga fikirayo sidii loo soo gelin lahaa gudaha dalka soomaaliya.

Horey ayaa dowladda federaalka hub kala duwan uga heshay dowladaha Yamen,Itoobiya iyo Talyaaniga oo ka mid ah dowladaha Yurub ee taageeray shirkii dib u heshiisiinta soomaalida ee Kenya lagu qabtay kaas oo ay ka soo baxday dowladda Federaalka Soomaaliya.

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya