Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Dowladda Siiriya oo laga dalbaday inay siidaayaan arday somaali ah oo looga shakiyey inuu xiriir la leeyahay Alqaacida

Masuuliyiinta dalka Siiriya Suuriya ayaa laga codsaday inay ka sii deyso Xabsi ku yaala Magaalada Dimishaq ee Caasimadda Dalkaasi arday Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Mustafa Cumar C/maalik oo looga shakiyay inuu xiriir kala dhaxeeyay kooxo amaanka dalkaasi qalqal gelinayay.

wararka laga helaayo  Caasimada Suuriya ee Dimishaq ayaa waxa ay sheegayaan in ardayga Jaamiciga ah oo lagu magacaabo Mustafa Cumar C/maalik ay ka soo xireen ciidamada amaanka dalkaasi gurigiisa oo ku yaala Deegaanka Xarsata oo ku dhow Dimishaq 6-dii bishii hore September ilaa iyo iminkana weli gacanta uu ugu jiro Booliska Xabsiga Al-Feyxaa , waxaana lagu eedeynayaa inuu xiriir kala dhaxeeyay koox amaanka iyo howlaha siyaasadda dalkaasi qalqal ku heysay .

Warka ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in rondo milatari oo ay saarneeyeen ilaa iyo Toboneeyo ka mid ah ciidamada amaanka ay ka soo xireen Mustafa Gurigiisa , iyadoo askarta Suuriya ay gebi ahaan baareen gurigiisa ayna la soo baxeen Kumbuyuutarkiisa gaarka ah , waxaana loo gudbiyay Xabsiga Alfeyxaa.

Qaar ka mid ah Qoyska wiilkan Soomaaliga ah ayaa waxa ay u tageen saraakiisha ciidamada amaanka Suuriya oo ay ka dalbadeen inay u siidaayaan wiilkooda , balse saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in aaney siideyn doonin Mustafa Cumar ilaa iyo inta ay ka soo afmeerayaan baaritaanada la xariira in wadashaqeyn ay kala dhaxeyso nin si weyn ay u doon doonayaan qolyaha amaanka Dimishaq.

Mustafa Cumar C/maalik waa 19 jir , waa arday sanadka labaad dhiganayay Kulliyada Caafimaadka ee Jaamacadda Dimishaq, waxaana isaga iyo qoyskiisa ay u guureen Suuriya muddo iminka laga joogo 5 sano.

Guddiga Xuquuqul-Insaanka ee Suuriya ayaa waxa ay sheegeen in qoyska wiilkaasi Soomaaliga ah iyo qaar ka mid ah howlwadeenada safaaradda Soomaaliya ee Dimishaq ay ku booqdeen Mustafa Cumar halkii uu ku xirnaa ,iyagoo cadeeyay in dhowaan la soo deyn doono maadaama lagu waayay waxyaabihii horey loogu soo xiray , waqtiga qoyskan ay warkan shaaciyeen oo laga joogo muddo 10 cisho ayaanu ilaa iyo iminka muuqan howl lagu siideynayo maxbuuskaasi 19 jirka ah.

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Suuriya ayaa waxa ay ka codsadeen Xukuumadda Dimishaq inay sida ugu dhaqsiayaha badan u siideyso ardaygaasi oo ay ku sheegtay xarigiisa mid sharci daro ah .

Muxyadiin Cali Jimcaale jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya