Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Roobab mahiigaan ah oo ka da`ay magaalooyin ka mida maamulka Puntland

Wararka aanu ka heleyno maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in roobabkii deyrta ee la sugayay ay xalay ka bilowdeen magaalooyinka Garoowe iyo Qardho oo labaduba ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

Magaalada Garoowe ayaa la sheegayaa in roobabkaasi ay buuxiyeen laba tog oo la sheegay in hareeraha ka maraan magaaladaasi, halka magaalada Qardhana ay buuxiyeen jidadkeeda.

Dhinaca kale waxaa ay roobabkani ka da`een magaalooyinka Gaalkacyo iyo Burtinle waxaana la sheegayaa inay dadka halkaasi ku dhaqan ku diirsadeen raxmadda roobabkan oo aan geysan wax qaraare ah.

Maamulka goboleedka Puntland ayaa haatan u muqda goobtii ugu horeysay ee ay ka curtaan roobbabka deyrta oo la sugo sanadkiiba mar xiliyada soomaalida.

Muxyadiin Cali Jimcaale Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somalia