|
Ra'iisul wasaaraha
dowaldda kmg ah ee somalia Cali Maxamed Geeddi iyo wasiirka tamarta dowladda
kmg ah ee somalia Maxamed Nuuraani Bakar ayaa maanta baaqnabadeed waxa ay u
jeediyeen beelaha ku dagaallamaya tuulada Kuunya barroow ee gobolka
Shabeellada hoose
Bayaan
si wada jir ah ay uga soo saareen maaalada Jowhar ayay labada mas'uul ku
sheegeen in ay ka xunyihiin dagaallada soo noqnoqday ee ka dhacay
deegaankaasi Kuunya barrow iyo deegaanno kale oo dalka Somalia ka mid ah,
Waxa ay ka dalbadeen odayaasha
dhaqanka iyo dhammaan dadka nabadda jecel in ay doorkooda ka ciyaaraan sidii
loo damin lahaa colaadda labada beelood ee walaalaha ah ku dhex maraysa
halkaasi.
Dhinaca
kalena wasiirka tamarta dowladda kmg ah ee somaia Maxamed Nuuraani Bakar
ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Jowhar waxa uu ku sheegay in
goor dhow wasaaraddiisu ay qorshaynayso in ay dhawaan ka howl bilowdo
gobllada dalka oo ay koronto siiso.
Wasiirku
waxa uu sheegay in wasaaraddiisu ay haysato ballanqaadyo caalami ah oo la
doonayo in dalka Somalia looga hir galiyo koronto ay dadku si hufan uga
haqab beelaan.
Waa
bayaankii ugu horreeyay ee xubnaha labada gole ee dowladda kmg ah ee
Somalia ay ka soo saaraan arrimaha dalka tan iyo markii ay soo gaartay
dowladdu magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeellada dhexe,oo haatan ay
ka soconayaan dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo dowladeed.
Maxamed Cadde
RSTV Muqdisho, Somalia
|