Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Qeybdiid ayaa iska fogeeyay eedeeymaha loo soo jeediyay ka dib markii uu wareysi siiyay booliska dalka Sweden.

G/sare Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo iminka u xiran booliska dalka Sweden ayaa waxa uu iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay oo ku aadanaa xasuuq ka dhacay dalka Soomaaliya sida uu rstv u sheegay C/rashiid Max'ed Galaal oo ka mid ah ehelada Cabdi Qeybdiid oo u waramayay Rstv isagoo ku sugan magaalada Stockholm ayaa waxa uu tilmaaya in cabdi Qeybdiid uu booliska u sheegay in arinta lagu eedeeyay aysan jirin, waxa uuna Cabi Qeybdiid diiday in uu hadlo mar kale.

Cabdi Qeybdiid ayaa waxaa loo qabtey Lowyer u doodaya, waxa uuna Sheegay in booliska ilaa berri ay heysanayaan ka dib na ay u soo gudbinayaan maalinta khamiista ah maxkamada, waxa uu sheegay in xeer ilaaliyaha iyo booliska ay su'aalo badan ay weydiiyeen balse Cabdi Qeybdiid uu ka gaabsaday.

C/rashiid Max'ed Sabriye Galaal waxa uu sheegay in maalinta khamiista ah la ogaanayo wax walba sida ay u dhacayaan.

G/sare Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ayaa booliska dalka Sweden ay gacanka ku dhigeen ka dib markii dacwad ay ku soo oogeen dad Soomaaliyeed oo degan Sweden

muxyadiin cali jicaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya