Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Markabkii Mucawinada ee dhawaan laga af duubtay Marka oo maanta u amba Babxay Dalkii uu ka yimid Kenya.

Markabkii Mv Miltisow ee dhowaan ay sii daayeen kooxihii afduubtay ayaa maanta ka shiraacday dekedda Dabiiciga ah ee Marka ka dib markii laga dajiyay dhamaan rarkii saarnaa.

Waxaa maanta ka furtey dekedda dabiiciga ah ee magaalada Marka markabki u rarnaa hay'adda WFP oo ku soo xirtey shalay ka dib markii ay soo daayeen afduubayaashii Heystay, waxaana laga dajiyay shixnado gargaar ah oo ay laheyd hay'adda WFP oo gareysa ilaa 5 kun oo Kiintaal sida uu shabakada warbaahinta Shabelle u sheegay xoghayaha warfaafinta maamulka gobolka Sh/hoose Cali Baashi Jimcaale.

Markabkan ayaa intii uu dajinayay rarka amnigiisa waxaa sugayay ciidamada maamulka gobolka Sh/hoose, iyadoo markabkaan kooxo hubeysan ay ka afduubteen Marsada iyadoo cunno gargaar ah uu dajinayay,waxaana afduubayaasha ay heeysteen 24 saacadood.

Waana markabkii ugu horeeyay eelaga afduubtay dekedda Marka, inakstoo laga soo furdaamiyay kooxihii hesytay

Muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya