Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Jen.Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa ku geeriyoodey Imaaradka

waxaa magaalada Dubai ku geeriyoodey allaha u naxiistee Jen.Maxamed Sheekh Cusmaan, marxuumku in muddo ah ayuu ku noolaa waddanka Imaaraasdka inkastoo uu ahaa saraakiishii aan waddanka wax badan ka maqneyn mudadii dagaalada sokeeye, Allaha u naxariistee Maxamed Sheekh Cusmaan wuxuu ka mid ahaa Golihii sare ee kacaanka ee uu hogaaminayey Marxuum Maxamed Siyaad Barre ee  la wareegey xukunka waddanka sanadkii 1969-kii.

in muddo ah ayuu ku soo jirey maamulkii Dowladdii hore ee kacaanka ahayd isagoo in muddo ah wasiirka maaliyadda ahaa marar kalena wuxuu qabtey shaqooyin heer wasiir ah oo kla duwan Jen.Maxamed Sh.Cusmaan wuxuu kasoo qeyb qaatey howlihii dib u heshiisinta ee laga waday Gobolka Banaadir iyo Guud ahaan waddanka Soomaaliya. waxaa la filayaa Meydka Marxuumka in lagu aaso Gudaha waddanka Soomaaliya

RSTV News room

webmaster@rstvonline.com