Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

 

C/Risaaq jurile iyo Mxamed Dheere oo ku soo laabtay Jowhar

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalmiga C/risaaqa Cusmaan Xasan Juriile, Max’ed Dheere oo ah Gudoomiyaha Sh/Dhexe iyo Xubno kale oo uu ka mid ahaa Jenraal Cali Madoobe oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa saakay kazoo degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar.

Xubnahan oo saaka kasoo kicitimay Deegaanka Godey oo ka mid ah Deeganada ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay shalay kazoo dhaqaajiyeen Magaalada Nairobi iyagoo hore u joogay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

C/risaaq Juriile iyo Max’ed Dheere ayaa waxa ay Magalaada Addisa Ababa u joogeen Arimo badan oo aan la shaacini,iyadoo intii ay joogeen halkaasi kula kulmen mas’uuliyiin fara badan oo uu ka mid yahay Sium Mesfin iyo sarkaalo Mareykan ah

Muxyadiin Cali jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somalia