|
Madaxweyne ku xigeenkii sudan John
Grang Mbiyor oo maanta la bud-dhigay
Sida ay sheeggayaan wararka aynu ka helayno magaalo madaxda
Sudan ee Khartuum ayaa sheeggaya in haatan ay ka socoto gobolka dhinaca
waqooyi ku yaalla ee Jubba aaska madaxweyne ku xiggeenka Sudan Mr John
Garang Mbiyor oo shil diyaaradeed dhawaantan ku geeriyooday
Kumanaan kun oo qof oo reer sudan ah ayaa waxay haatan ku
sugganyihiin gobolka dhinaca waqooyi ku yaalla ee juba si ay uga
qaybgalaan aaska hoggaamiyihii jabhadda SPLA islamarkaasna ahaa madaxweyne
ku xiggeenka Sudan John Garang Mbiyor oo loogu talo galay in aaska lagu
soo gabogabeeyey saacado kooban
Saraakiil ka socotay Qaramadda Midoobay,Madaxweynaha
Koonfurta Afrika,Madaxweynaha Uganda,Madax ka socota dalalka reer
galbeedka ah,
Dublamaasiyiin,Madaxwaynaha Sudan iyo waliba wafuud caalami
ah ayaa ka qaybgaleen aaska hoggaamiyaha geeriyooday oo maanta lagu bud-dhigay
halkii uu ku dhashay
Dhowr daqiiqo ayaa loo aamusay Meydka Madaxweyne ku
xigeenkii geeriyooday John Grang markii la keenay halkii ay ku sugnaayeen
madaxdii ka kala socotay daafaha adduunka, Iyadoo dhinaca kalena la
Huwiyey meydka Grang Calankii Sudan
Meydkii madaxweyne ku xiggeenkii Sudan Joh Garang ayaa
intii aan Ciidda lagu rogin la dhex mariyey cutubyo ka tirsan Ciiddanka
Booliiska oo loogu talo galay in ay siiyaan xirshadii ugu dambaysay Iyadoo
dhinaca kalena ay saf saf u taagnaayeen eheladiisii kuwaas oo dhar isku
midir ah watay,Kadibna Meykii waxaa loo soo galbiyey Dhinaca Qabrigii
loogu talo galay in lagu Bud-dhigo
Afar ma mid ah ciidanka qalabka sida ee Sudan ayaa waxay
garbaha ka galeen Meyka Madaxweyne ku xigeenka Geeriyooday,Iyadoo la
arkayey qaar ka mid ah dadka sida wayn u taageersanaa Hoggaamiyaha
Geeriyooday oo ilmadu hititiqayso
Waxayna Wararku sheeggayaan in halkaasi ducooyin ay uga
akhriyeen wadaadado ka kala socday kaniisadaha kala gedisan ee ku yaalla
dalka sudan
Qabri hal mitir iyo bar ah islamarkaasna laga sameeyey
dhismo shub ah ayaa lagu aasay madaxweyne ku xigeenkii geeriyooday,Iyadoo
dhinaca kalena ay goobtaasi ku suggnaayeen Afadiisii iyo waliba dhammaan
eheladdiisa taasi oo dhaqan u ah Dadka uu ka dhashay hoggaamiyaha
geeriyooday John Grang Mbiyor
Qoomiyadda uu ka soo jeedo madaxweyne ku xigeenka
geeriyooday ayaa waxaa dhaqan u ah,In marka uu qof ka geeriyoodo qabriga
uu qodo qofka ugu da"da wayn reerka, Waxaanna sidoo kale shardi ah in
meydka uu bud-dhigo Abtigiis iyo qofka reer-ka laga geeriyooday ugu wayn
islamarkaasna waxaa daqiiqdo kadib timaha laga xiirayaa dhammaan rag iyo
dumar dadka laga geeriyooday
Ammaanka
waddooyinka waawayn ee magaaladda khartuum ayaa aad loo adkeeyey Iyadoo la
arkayey boqolaal ciidanka booliiska ah oo gaaf wareegaya hareeraha
waddooyinka si ay uga hor taggaan rabshaddo hor leh oo laga cabsi qabo in
maanta ay ka dilaacaan magaaladda khartuum
Sikastaba ha ahaatee Madaxweyne ku xigeenka Sudan John
Grang Mbiyor islamaska ahaa hoggaamiyihii jabhadda SPLA ayaa waxuu
horaantii todobaadkan ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacday xadka
Sudan iyo Uganda islamarkaasna ay ku geeriyoodeen dhammaan madaxdii
saarnayd diyaaradaasi oo laga lahaa dalka Uganda
Dadka ka faalooda siyaasadda Sudan ayaa sheeggaya in
geerida Madaxweyne ku xiggeenka ay dhibaato hor leh u keeni karto
wadahadaladii u socday dadka reer koonfureedka ah iyo Dawladda dalka Sudan
Mursal Quulle Rochester Somali TV
Nairobi Kenya,
|