Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Ra'isulwasaaraha dowladda FS Prof. Cali Max'ed Geedi ayaa magacaabay golaha dhaqanka Ex-bulsho weynta gobolka Banadir

Golahaan oo ka kooban 55 xubnood ayaa waxa ay ka shaqeynayaan isku xirka bulshada iyo xalka gaarista dhibaatada 15 jirsatay ee ku habsatay gobolka Banadir.

Nuqul ka mid ah qoraalkan lagu magacaabay golaha dhaqanka bulsho weynta ex Banadir oo ka soo baxday Xafiiska Ra'isulwasaare Geedi ayaa waxaa ku xusnaa talo soo jeedintii Gudoomiyaha maamulka gobolka Sh.dhexe Max'ed Cumar Xabeeb Max'ed DHeere.

Gudoomiyaha golaha dhaqanka Ex-bulsho weynta gobolka Banadir Max'ed Yuusuf Cali oo u waramay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in ujeeda ka dambeysa magacaabitooda ay tahay in waxii ka dambeeya maanta gobolka Banadir arimhiisa aan lagala tashan waxa uu ugu yeeray dad sheeganaya gobolka Banadir.

Max'ed Max'uud Shamuuq oo ah agaasimaha golaha dhaqanka Ex Bulshoweynta gobolka Banadir ayaa waxa uu sheegay in ay ku shaqeyn doonaan awaamiirta dowladda FS isla markaana ay hirgalin doonaan barnaamijka xukuumadda Somaliya.

Ex Banadir ayaa waxaa loo aqoon jirey gobolada Banadir, Sh.dhexe iyo Sh.hoose, iyadoo xubnahaan uu magacaabay Ra'isulwasaare Geedi ay ka holwgali doonaan gobladaasi isla markaana ay ka shaqeyn doonaan, waxaana kulan 2aa la filayaa in ay isugu yimaadaan maalinta khamiista ah ee soo socota.

Arintaan ayaa waxa ay ku soo beegmatay xilli Xubnaha labada Gole ee Muqddisho ay iyaguna wada maamul ay u sameynayaan gobolka Banadir, iyadoo dhowaan ay aheyd markii baarlamanka garabka Muqdisho an sixiyeen golayaal degaan uu yeelanayo maamulka gobolka Banadir.

 Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliy