Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Geedi oo hambalyo u diray shaaqalaha maraakiibtii ku afduubnayd xarardheere oo Muqdisho soo gaaray,iyo Wasiiro dowlada kmg ah ka tirsan oo waajid kusoo fool leh.

wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka dowlada ku meelgaarka ah ee Somalia Cisman Maxamud Dufle ayaa maanta booqday degeda ceelmacaan ee magaalada Muqdisho halkaasii ay soo gaareen shaqaalihii saarnaa maraakiibtii lagu haystay Xarardheere ee dhawaan lasii daayay.

Shaaqalaha maanta soo gaaray magaalada Mqudisho ayaa ka koobnaa shaqaalihii saarnaa labadii markab ee MV-samlow iyo Ibnu batuuta ee magaalada Muqdishso dhawaan soo gaaray.

Wasirka ku xigeenka ayaa ujeedka uu u yimid degeda ceelamaan waxaa lasgu sheegay in ay tahay la socodka xaalada ay ku sugan yahihiin shaaqalaha ajaniga ha ee saaran maraakiibta dhawaan laga soo daayay magaalada xarardheere.

Shaqaalaha Saaran labada markab ee dhawaan laga soo daayay xarardheere oo qaarkood u waramay Rochester Somali Tv ayaa sheegay in xaalkiida haatran uu yahay mid wanaagsan inkastoo intii ay ku sugnaayeen Xarardheere ay lasoo kulmeen daal fara badan iyo nasasho la'aan xiriir ah oo socotay muddo ka badan 3 bilod.

katanka Markabka Mv-samlow ayaa sheegay in markabka uu goor dhow oo todobaadkan ah ku laaban doono magaalada Mombasa halkaaso ay ku sugan yihiin milkiilayaasha markabka.

Raashiinka saaran markabka Mv-samlow oo gaaraya 850 tan ayaa haatan waxaa lagu bilbaaya holwo lagu dejinayo inkastoo ay soobaxayso cabsi ah in raashinka uu galo gacantii loogu tala galay oo ahayd dadka ku dhaqan degmada xaafuun oo ay waxyeelaysay Tsunami.

qalabka kale ee saaran markabka Ibnu batuuta oo ah qalab dhisme ayaa haatan iyana waxaa ku socda howlo lagu dejinay.

ra'isulwasaare dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia cali Maxamed Gedi ayaa sido kale qadka teleefanka kula hadlay shaaqalaha maraakiimta lasoo daayay ee iminka kasoo dagay Ceelmacaan waxa una ugu hambalyeeyey in ay usoo laabato xuriyadooda .

ra'isulwasaaraha dowlada ku meel gaarka ee somalia ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihii haddi ay yihiin dowlada kmg ah ee Somalia in shaaqalha maraakiibtan saaran lasii daayo oo lagu siiyo si sharuud la'aan ah.

Wasiiro dowlada kmg ah ka tirsan oo waajid kusoo fool leh.

Wararka laga helayo magaaladawaajid ee gobolka bakool ayaa sheegaya in wasiiro ,xildhibaano kasoo jeeda gobolka Gedo ay usoo dhaqaaqeen dhanka iyo magaalada waajid ee gobolka Bakool halkaasioo ay ku sugan yihiin wasiiro iyo xildhibaano ay isku mabda' yihiin madaxweynaha dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia c/laahi Yusuf AXmed.

Xubnaha iminka kusoo wajahan magaalada waaid ayaa waxaa hor kacaya wasiirka hantida qaranka iyo qalabaynta Maxamud Sayid Aadan waxana ka mid ah wafdiga wasiir ku xigeeno iyo xildhibaano dhawaanahanba ku sugnaa gobolka Gedo.

wafdiga ayaa waxaa gelbinaya maleeshiyoouyin aad u fara badan iyo gawaari dagaal oo gaaraya 10 waxaana ujeedada socdaalka wafdigan ;lahu sheegay sidi maleshiyadka kasoo jeeda gobolka Gedo ay ugu biiri lahaayeen maleeshiyaadka lagu tababarayo magaalada waajid.

wafdiga Maxamud Sayid Aadsan ayaa la filayaa in magaalada waajid ay kulamo kula yeeshaan xubno wasiiro ah oo ay ka mid yihiin wasiirka beeraha iyo garsoorka.

warar aan lagu kalsoonaan karin ayaa sheegaya in wafdiga Maxamus Sayid Aadan ay magaaladaasi kula kulmi doonaan madaxweynaha Soamlia oo la filayo in halkaa dhawaan uu gaaro.

Maxamed Cumar Sheekh.

Rochester Somali Tv,Muqdisho.

Mcadde@rstvonline.com.