Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

 Ra'iisul wasaaraha dowladda kmg ah ee somalia Cali Maxamed Geeddi ayaa ugu baaqay waxa uu ugu yeeray kuwa khilaafka wada in ay shacabkooda dhinac ka raacaan,

ayna ku soo biiraan walaalohooda dowladda oo uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay kala shaqeeyaan howsha dhisidda Soomaaliya ee dagaalladu hareeyeen.

 Ra'iisul wasaare Cali  Maxamed Geeddi oo hadalkan ka jeediyay munaasabada lagu xusayay 26 ka juun oo ah markii ay xornimadooda qaateen gobollada woqooyi ee dalka Soomaaliya,oo ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe,ayaa sheegay in dadkaasi haddii aanay  dadkooda dhinaca ka soo raacin la iska celin doono sida uu hadalka u dhigay,isagoo markaana tilmaamayay  xubnaha dowladda ka tirsan ee ay mowqif ahaan is diiddanyihiin.

 Mar uu ka hadlayay gobollada somaliland waxa uu ugu baaqay in ay ilaaliyaan midnimada dalka Soomaaliya,isagoo qiray dagganaanshaha iyo nabad galyada ka jirta. markii uu halkaasi ra'iisul wasaaruhu ka hadlayay waxaa garab fadhiyay mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda kmg ah ee somalia oo uu ku jiro ninka uu dhawaan ra'iisul wasaaraha u magacaabay Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo horay ra'iisul wasaare Geeddi ugu magacaabay in uu baddalo Maxamuud C/laahi Jaamac Sifir.

 dhinaca kalena waxaa xalay iyo maantaba si wayn loogu xusay gobollo kala duwan oo somalia ka tirsan munaasabadda 26 ka juun oo ah markii gobollada woqooyi ee dalka somalia ay xornimadoodaka ka qaateen gumaystihii ingiriiska.

magaalooyin kala duwan oo ka tirsan somalia sida Muqdisho oo caasimadda ah,Baydhabo, Kismaayo, Cabud waaq iyo kuwo kale ayaa laga dhigay fantasiyo iyo isu imaatinno loogu dabbaal dagidda 26ka juun. laakiin gobollada woqooyi ee la magac baxay somaliland oo munaasabaddani aad u khusayso iyada kama jirin haba yaraatee wax dhaqdhaqaaq ah,waxaana la xusuustaa in maamulka somaliland ay horay u sheegeen in ay 26 juun ay tahay maalin murugo u ah shacabka Somaliland

 

Maxamed cumar sheekh(Maxamed Cadde)
Rochester Somali TV  Muqdisho