| Cali Qaliif
Galeyr Itoobyo ayaa ku weyn doonto Xafiika Midowga Afrika tagaarada ay siiso
mid kamida TFG
Prof. Calik Khaliif Galeyr ayaa waxa uu sheegay in xafiiska midowga
Afrika ay dhowaan ka furatay magaalada Jowhar ay sabab u noqon doonto in
xukuumada Adis-ababa ay ku weyn doonto in Xafiiska midowga Afrika uu ka sii
shaqeeyo magaalada Adis-ababa.
Cali Khaliif Galeyr oo xalay u waramayay Saxaafada isagoo ku sugan
magaalada Washington ee xarunta u ah dalka Mareykanka ayaa sheegay in mar
walba beesha caalamka inteeda lagu tiriyo in arimaha Somaliya ay ku lug
leedahay looga baahan yahay in marwalba ay ku dadaalaan halka xalka
Soomaaliya uu ku jiro, midowga Afrikana uu waajib ka saaran yahay dhinaceeda.
Taageerada Beesha Caalamka ay u muujiso garab ka mid ah dowladda
Iskhilaafsan ee Muqdisho iyo Jowhar ku sugan ayuu ku tilmaamay Galeyr mid
sii kala fogeyneysa khilaafka dowladda FS u dhaxeeya taasi uu tilmaamay in
ay qeyb ku yeelatay khilaafkaasi sii fogeyntiisa midowga Africa oo xafiis
aan la isku raacsaneyn ka furtey magaalada Jowhar oo iyadu ka mid ah
degmooyinka ka tirsan Somaliya.
Waxa uu sheegay in Midwga Afrika uu ku deg degay xafiiska uu ka furtey
magaalada Jowhar, taasi oo keeni karta hadii midowga Afrika uu ku sii
adkeysto xafiiska in uu ka sii shaqeeyo Jowhar in adis ababa ay ku weyso
xarunta Midwoga Afrika iminka uga furan.
Waxa uu intaasi raaciyay Galeyr in midowga Afrika ay dani ugu jirin
xafiiska ay ka furteen magaalada Jowhar uu ka sii shaqeeyo waqtiyada soo
socda, waxaa jira ayuu yiri wadamo ku dadaalaya in xafiiska midowga Afrika
laga furo dalkooda, iyadoo taageero kaa helaya beesha caalamaka garab ka mid
ah dowladda Is khilaafsan ee midowga Afrika uu ka hiiliyayna gacmaha laaban
ma doonaan ayuu intaasi sii raaciyay.
Cali Khaliif Waxa uu sheegay in midowga Afrika uuu hordhigay Q.M in
xayiraada hubka laga qaado Somaliya, taasoo Golaha amaanka uu ku gacanseyray
arintaasi, iyadoo golaha amaanka uu soo saaray in la sii xoojiyo cuna
qabateynta hubka ee la saaray Somaliya
Hadalka cali qaliif galeyr ayaa ku soo beegmey xili uu midowga afrika
shaaciyey inuu tababaro ka furaay xafiis kooda magaalada jowhar
Muxyadiin Cali Jicaalle Jakuula
Muqdisho Somaliya
|