Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

 

Wasiirka horumarinta reer miyiga oo wax aan sharci aheyn ku tilmaamay kulanka uu ku baaqay Gudoomiyaha barlamaanka.

 Wasiirka horumarinta reer miyiga iyo daaqa qaranka Maxamed Maxmud Guuleed Gacmo dheere ayaa sheegay in aanu  sharci u arkin kulanka uu ku baaqay guddoomiyaha baarlamaanka dawlada federaalka kumeelgaarka ah ee Somaliya  Shariif Xasan Sheekh Aadan   25 ka bishan   in  xillibaanada ay  isugu yimaadaan magaalada Muqdisho .

Gacma dheere  oo haatan ku sugan magaalada Jowhar ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanku ku khaldanyahay in xildhibaanada uu isugu yeero oo ay ka wada hadlaan arrimo la isku khilaafsanyahay.

 Gacma dheere mar wax laga weydiiyey  howsha nabadaynta gobolka Banaadir waxa uu sheegay in aanu isagu ku qanacsanayn qaabka ay wasiirrada Muqdisho ku sugan  wax  ay u wadaan,waxa uuna tilmaamay  in  asagu dhawaan magaalada Muqdisho uu u soo socdo ,asagoo  ay wehliyaan xubno dowladda ka tirsan si ay u  ballaariyaan howsha nabadaynta Muqdisho..

 

 

Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)

Rochester Somali TV,  Muqdisho