| Midowga Yurub
oo walaac ka muujiyey go,aankii Somaliland Midowga Yurub, ayaa walaac
weyn ka muujiyey go’aankii maamulka jamhuuriyada la magacbaxday Somaliland
ay ku eryeen wakiilkoodu u joogay Hargeysa.
Richard Hands, oo ah maamulaha howlaha midowga Yurub ee Soomaaliya, ayaa
sheegay in maamulka Hargeysa oo magaalo madax u ah Somaliland, ay weydiisten
in bedel lagu sameyo mid ka mida saraakiishooda gobolka.
Warqad uu u diray xafiiska Midowga Yurub, ayaa wasiirka qorsheynta
qaranka ee Somaliland, ayaa Ahmed Haji Dahir Elmi, waxa uu amray in
sarkaalka EU-da ee jooga dhulkooda Ahmed Muhammed Mahamud, oo loo yaqaan
Ahmed "Washington", inuu isaga tago Somaliland 48 saacadood.
Wakiilka EU-da ee Hargeysa Ahmed Washington ayaa lagu tilmaamay inuu
yahay qof aan waxba gelin, sidaas awgeedna uu joojiyaa howlahiisa uu ka wado
Somaliland 48 saacadood, sida uu warqada uu ku sheegay Mr Elmi.
hase aha atee maamulaha howlaha midowga Yurub ee Soomaaliya Richard Hands
ayaa sheegay in Midowga Yurub aan la siin digniin hore, sidaas awgeedna ay
si weyn ula yaaban yihiin go’aankan deg dega.
waxa uu yiri “guddiga Yurub waxa uu sharaxaad siin doonaa Somaliland,
waxaana ku rajo weynnahay in xal lagu qanci karo la helo.
maamulka Hargeysa waxa uu ku andacooday in Axmed Washington uu ku lug
yeeshay howlo lidi ku ah xeerarkiisa anshaxa, waxaana lagu eedeeyey
wakiilkan inuu faragelin ku sameeyey arrimaha u gaarka ah Somaliland.
go’aanka lagu eryey sarkaalkan Midowga Yurub ka tirsan waxaa cambaareeyey
laba hogaamiye oo ka tirsan mucaaradka Somaliland oo kala ah Ahmed Mohamed
oo Kulmiye ka tirsan iyo Faisal Ali
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|