Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Xuseen Caydiid iyo dalada cilumada Somaliyed oo maanta kulmey

R/wasaare kuxigeenka ahna wasiirka arrimaha guddaha ee dowlada federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamed Ceeydiid, ayaa ka codsadey Dallada Culumaa’udiinka Soomaaliyeed iney u istaagaan sidii ay u kala dhex gali lahaayeen xubnaha dowlada ee fekerka ku kala duwan, kuna kala sugan Muqdisho iyo Jowhar.

Kulankan dhex marey Dallada Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho iyo ra’iisal wasaare kuxigeenka ahna wasiirka arrimaha guddaha Xuseen Maxamed Ceeydiid, ayaa daba socda kulamo uu la yeelanayey qeybaha kala duwan ee bulshada kuna dhaqan gobolka Banaadir oo.lagaga arin sanaayey xalada guud ee magaalada muqdisho

Kulankan oo ka dhacey xaruntiisa uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa looga hadley qaabka ugu haboon ee culumaa’udiinka ay qeybtooda uga qaadan karaan xal u helidda dhinaca nabad kusoo dabaalidda gobolka Banaadir iyo wacyi galinta dadweynaha, waxaana kamid ahaa culumaa’udiinkii ka qeyb qaadanayey kulan kaasi afhayeenka Daladda Culumaa’udiinka Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud “Gurxan”

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sidoo kale sheegay in ra’iisal wasaare kuxigeenka ahna wasiirka arrimaha guddaha ay isla soo qaadeen qaabka ugu haboon ee wacyi galin muuqata loogu sameyn karo dadkan ku tahriibaya baddaha oo naftooda khatarta sii galinaya, isagoo tilmaamey in ra’iisal wasaare kuxigeenka dowladiisu ay heyso qorshe dadkaasi looga wacyi galinayo si markaasi ay u yaraato dadka ku dhamaanaya baddaha.

xuseen caydiid ayaa maalmahaan wax uu wadey dadaalo uu ku doonayey sidii loola shaqen laaha.maamulka cusub ee gobolka banaadir ee taageerada uu u raadinaayey imaam mamuud imaam cumar

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
Muqdisho Somaliya