|
Midowga afrika oo sheegey xarunta DFG ay tahey magaala
jowhar
Ururka Midowga Afrika ayaa ka jawaabay eedeymo ugu timid
xubnaha Labada Gole ee ku sugan magaalada Muqdisho kuwaas oo ku eedeyay
Midowga Afrika inay dab ku sii shidayaan xaalada qalafsan soomaaliya, gaar
ahaan khilaafka ka dhaxeeya xubnaha dowladda Federaalka.
Sarkaal u qaabilsan Midowga Afrika arrimaha geeska Afrika Dr
kabuuse ayaa difaacay xafiiska Midowga Afrika ka furtay magaalada Jowhar oo
dhinaca Waqooyi kaga aadan Magaalada Muqdisho,wuxuuna sheegay in xafiiskan
uu yahay mid gacan siinayo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Midowga Afrika waxaa uu sheegay in mar walba ay taageersan
yihiin dib u dhiska dalka Soomaaliya, waxayna qireen in xarunta dowladda
soomaaliya ay tahay magaalada Jowhar.
"Anaga waxaan mar walba ilaalinaa rabitaanka Dowladda
soomaaliya, iyada ayaa degtay magaalada Jowhar, Anaga waa qasab inaan xafiis
ka furano Jowhar, haddii Dowladda u guurto Muqdisho waa qasab in Xafiiska
loo raro magaalada Muqdisho"ayuu yiri Dr Kabuuse
Guddiga Nabadgalyada Midowga Afrika ayaa haatan waxay
qorsheynayaan inay shaqaalo u soo diraan soomaaliya kuwaas oo gacan
siinayaan Dowladda Federaalka soomaaliya.waxaa kaloo u sheegey in aan ciidmo
midowga afrika ka socda aan somaaliya lakeeneyni madaama aan wax qarash loo
hayn Qaramada midoobeyna ay shuruudo ku xirtey ka qaadista cuna qaba teynta
hubka somaliya
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
Muqdisho Somaliya
|