Midowga Afrika oo Qaramada midoobay ka codasday in laga
qaado xayiraada hubka Somaliya si ay Ciidamo nabada ilaaliyo loo geeyo
Midowga Afrika oo doonayo in Soomaaliya la geeyo Ciidamo
Nabad Ilaalin ah ayaa Xafiis waxay ka furteen Magaalada Jowhar oo dhinaca
Waqooye ka jirta Magaalada Muqdisho halkaas oo xarun u tahay Madaxweynaha
Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo xubnaha kale ee Dowladda.
War kooban oo xalay Midowga Afrika ka soo saareen
Xaruntooda Magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxay kaga
codsadeen qoraalkkooda Qaramada Midoobay inay xayiradda hubka ka qaadan
soomaaliya si Ciidamo Nabad ilaalin ah loo geeyo Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaa ku adkeysanaya in Xafiiska ay ka
fureen Degmada Jowhar uu yahay mid isku xiraya Midowga Afrika iyo Dowladda
Federaalka isla markaana wax looga qabanayo baahida dowladda KMG ah ee
Soomaaliya.
Ururka Midowga Afrika ayaa waxay ugu baaqeen Madaxweynaha
Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed inuu la yimaado howl
muujinaysa waxqabd iyo Iskaashi.
Qoraalkaas laguma Caddeyn tirada Saraakiisha Midowga
Afrika ee ka howlgalaysa Xafiiska laga furay Jowhar,laakiin waxaa uu
dalbaday Midowga Afrika in Soomaaliya laga qaado Xayiraada hubka si Ururka
hub ugu helo Ciidamo gaaraya ilaa iyo Tobon kun kuwaas oo ilaalinaya
Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shalay ayey ahayd Markii Xubnaha Labada Gole ee Dowladda
Federaalka ka codsadeen Midowga Afrika inay ka laabtan Xafiiska ay ka
furteen Magaalada Jowhar, iyagoo markaasi sheegay inaan Midowga Afrika
dhexdhaxaad ka ahayn arrimaha soomaaliya
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya