Xubna ka tirsan labada gole ee Dowlada FS uu hogaaminayo
wasiirka dhaqan celinta maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin, Bulshada
Rayidka, Haweebka Gobalka Banaadir, Guddoomiya G/Sh/Hoose Yuusuf Maxamed
Siyaad "Indhacade", iyo xubno kale ayaa waxa ay u baxeen saakay in ay
qaadaan isbaarooyinka daadsan gudaha muqdisho iyo wailba jidadka soo gala.
11 Barqanimo xiliga Soomaaliya ayaa waxaa lagu guuleystay
in la qaado isbaaradii ugu horeysay oo tiilay Siinka Dheer ee Afgooye
halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamada booliska oo amar ka qaataan Taliya
cidanka booliska Cabdi Xasan Cawaale "Qeybdiid" iyo waliba duqa magaalada
Muqdisho Ibraahim Shaaweeye, durbadiiba waxaa qudbad halkaas ka jeediyeen
Wasiirka dhaqan celinta maleeshiyooyinka Bootaan Ciise isagoo sheegay in
aysan meeshaan aheen isbaaro balse ay aheed meel Checkpoint oo amaanka lagu
sugayay.
Waxaa xusid mudan in lagu guuldareystay in la qaado
isbaarooyin yiilay inta aan la soo gaarin Siinka dheer ee Afgooye, iyadoo
maleeshiyooyinkii halkaas ku sugnaa markeey u jeedaan gawaarida siday
xubnaha isbaarooyinka qaadaya ay u firaaqeynayaan goobaha ay ku sugan yihiin
markii laga gudbana halkooda ku soo laabanayaan, taasina waxay keentay in
odayaal ay isku heeb yihiin maleeshiyooyinkaas loo diray si ay ugu qaadaan
isbaarooyinkaas, hadiise ay odayaasha loo diray wax ka maqli waayaan waxaa
go’aan lagu gaaray si xoog ah in loogu baabi’iyo isbaarooyinka ay ku sugan
yihiin lana xirxiro iyaga iyo hubkoodaba.
Durbadiiba waxeynu u soo baqoolnay dhinaca magaalada
muqdisho qaasatan degmada Madiina, ugu horeyn waxaa la qaaday isbaaro tiilay
Wadada Siliga Ameerikaanka oo maleeshiyada ku sugneed isku heeb yihiin
Wasiirka Ganacsiga Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow, waxaana halkaas nagu soo
dhaweeyay Taliya maleeshiyooyinkii isbaaradaas ku sugnaa ninka lagu
magacaabo Cali Sheekh waxuuna sheegay in maanta waxii ka dambeeya aysan wax
lacag ah ka qaadi doonin gawaarida isticmaasha wadada isbaarada u tiilay.
Waxeynu u soo baqoolnay dhinaca Hotel Saxafi oo Labada
Gole Dowlada FS ee degan yihiin, balse intii aan jidka ku soo jirnay ayaan
aragnay isbaaro tiilay Meesha loo yaqaan Cakaaro oo markii aan sii maraynay
maleeshiyaadkii halkaas ku sugnaa ay ka ordeen fadhiisintooda balse markii
aan soo laabanay aan aragnay iyagoo gawaari halkaas mareysay lacago ka
qaadanayay, waxaana u soo degay Guddoomiya Gobalka Banaadir C/laahi Ganey "Frimbi"
iyo Taliya Ciidanka Booliska Cabdi Xasan Cawaale "Qeybdiid" oo ay isku heeb
ahaayeen maleeshiyaadkii isbaaradaas ku sugnaa, labadaan masuul ayaa si aad
ah u canaanteen maleeshiyaadkii qoryahii ay wateen ka soo qaadeen iyadoo
lagu xiray maleeshiyaadkaas Xarunta CID ee muqdisho, sawabta loo xiray
maleeshiyaadkaan oo kuwii aynu soo dhaafnay loo xiri waayay ayaa waxaa lagu
sheegay markii la sii marayay in ay is qariyeen laakin soo laabadkii lagu
arkay iyagoo jooga isbaaradaas.
Haddaba waxaa dhinaca kale maanta soo ifbaxay
isbaarooyinkii shalay la qaaday wadada Wadnaha ee 4 isbaaro gaaray ay mid ka
mid ah oo tiilay Wadada Jidka Mareexaanka ay lacagahii horey loogu qaadi
jiray ay ka qaadayeen saakay gawaarida isticmaasha wadada wadnaha,
isbaaradaas oo maleeshiyaad jooga ay ka amar qaataan wasiir arrimaha gudaha
ahna Ra’iisul wasaare K/xigeenka Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, waxaana
arintaasi ay dhalisay in shaqo joojin ay sameeyaan Gawaaridiii isticmaali
jirtay wadada wadnaha oo dhan, waxaana indhaheeyga qabanayeen dadweyne aad u
fara badan oo u badnaa ardayda wax ka barata gobalka banaadir oo cagaha
maalaya ama lugeynaya ka dib markii ay waayeen gawaaridii ay raaci jireen.