Ilaa iyo 15 Gaadiidka ciidamada oo laga soo dajiyey Dekaga Ceelmacaan ayaa
lagu wadaa saacadaha soo socdo inay gaaraan magaalad JowharMarkab
Talyaanigu leeyahay oo hub iyo saanado militari u wada dowladda Federaalka
soomaaliya qeybta ku sugan Magaalada Jowhar oo xalay ku soo xirtey dekedda
dabiiciga ah ee Ceelmacaan, ayaa ilaa iyo hadda waxaa laga soo dejiyay15
Baabuur oo kuwa Ciidamada ah kuwaas oo sida la sheega ay tuuteysanaayen,
gawaaridaasi oo wali ku sugan dekedda Ceelmacaan
Baabuurtan ayaa waxay qeyb ka mid yihiin waxyaabaha saaran Markabka ka
yimid Talyaaniga, sidoo kale waxaa saran Markabka hub iyo Raashin .
Ilaa iyo hadda lama sheegay inta ay la eg tahay qalabka saran Markabka,
waxaase la filayaa in saacadaha soo socda qalab badan laga soo dejiyo
Markabkaas oo ay qirteen Maamulka Dekedda Ceel Macaan in loo ka xayn doono
magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada dhexe
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|