|
Wasiirka kaluumaysiga dawlada kmg ah oo u
duulay Tokyo.
Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda
dawlada Fs ayaa duhurnimadii maanta ka ambabaxay magaalada Gaalkacyo asagoo
kusii jeeda magaalada Tokyo ee caasimada wadanka Jaban. Wasiirka
kaluumaysiga dawlada Fs ayaa magaalada Tokyo kaga qeybgalaya kulan looga
hadlayo ilaalinta xeebaha bariga fog iyo geeska afrika .
Xasan Abshir oo socdaalkan ay ku wehliyaan
xubno kale oo Somali ah kuna takhasusay cilmiga badda ayaa saxaafada u
sheegay ka hor intaa aanu ka duulin garoonka Gaalkacyo inuu dawladaha
kulankaasi ka qeyb qaadanay uu u bandhigi doono dhibaatooyinka maraakiibta
shisheeya ay ku hayaan xeebaha Somalia iyo sumaha lagu shubayo.
Xasan
Abshir ayaa sidoo kale sheegay inuu ka dalbandoono dawlada jaban in ay ugu
deeqdo doomaha dheereeya si looga hortago maraakiibtaasi xaalufka iyo
sumahaba ku shubaya xeebta Somalia.Xasan Abshir ayaa la sheegayaa inuu
magaalada Nairobi sii mari doono .
Wasiirka kaluumaysiga dawlada Fs ayaa
baaq u jeediyey maleeshiyada afduubka ku haysata markabka qaramada midoobay
ee sida afduubka ah loogu haysto degmada Xarardheere ,wuxuuna ka codsaday in
markabkaasi ay si degdeg ah ku fasaxaan.
Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv Muqdisho
Cadde_8@hotmail.com
Back
Home
|