Waxaa maanta lagu soo gabogabeeyey magaaladda nairobi shir
aan caadi ahayn oo baryahan oo dhan jaaliyadda Gabooyaha ay halkaasi ku
lahaayeen
Shirkani oo muddo sadex cisho ah beelahaasi uga socday
hotel ku yaalla magaaladda nairobi ayaa waxaa ka soo qaybgalay in ka badan
90 xubnood oo isugu
jira,Siyaasiin,Odayaal,Waxgarad,Dhalinyaro,Culumaa"udiin iyo Xildhibaano
ka tirsan dawladda ku meel gaarka ah ee soomaaliya,Ayaa waxaa shir
guddoominayey Suldaan Mohamed Cali Geedi oo kulankaasi soo qabanqaabiyey
Kulankani ayaa waxaa looga hadlayey maamulkii dhawaantan
loo sameeyey goboladda banaadir ee koonfurta dalka soomaaliya sida aan
beelahaasi hal xubina looga siinin
Warsaxaafadeed maanta laga soo saaray kulankaasi ayaa waxaa
lagu cambaareeyey maamulkii dhawaantan loo sameeyey gobolka
banaadir,Waxayna sheegeen in ay wili ay maqan-tahay cadaaladii,Maadaama
horray wax loogu qaybsaday 4.5 islamarkaasna maamulkaasi loo baahnaa in
lagu saleeyo qaabkii ay dawladda ku meel gaarka ah loo soo dhisay
Warsaxaafadeedkani oo uu ku saxiixnaa Suldaan Mohamed Cali
Geedi ayaa waxaa loogu baaqay dhammaan Hay"adaha Dawladda ku meel gaarka
ah,Qaramadda Midoobay,Midowga Afrika,Midowga yurub,Urur Goboleedka
IGAD,Ururka jaamacadda Carabta,Bangiga Adduunka iyo waddamadda Gobolka in
ay faro galin siyaasadeed ku sameeyaan gabood-falyadda ka dhanka ah
beelaha laga tirada badanyahay
Sikastaba ha ahaatee waxaa hadalkan qoraalka ah lagu
sheeggay in ay jiraan cadaadis-yo lagu hayo Beelahaasi oo ay ugu
daran-tahay ayey ku yiraahdeen Qoraalkoodaasi,Maamulka la Magac-baxay
Somaliland,Puntland iyo goboladda koonfureed ee soomaaliya,Waxayna
sheeggeen in magaaladda hargaysa sanadkii aynu soo dhaafnay lagu laayey
dad aan waxbo galabsan oo beelahaasi ka soo jeeda Iyadoo qaar kalena ay
ilaa iyo iminka ku jiraan xabsiyadda kala gedisan ee uu maamulkaasi
leeyahay,Hase ahaatee ay arrinkaasi ka hadleen hay"adaha u dooda xuquuqda
aadamaha
Jaaliyadda Gabooyaha ee ku dhaqan magaaladda nairobi ayaa
waxay sidoo kale eedayn ballaaran u soo jeediyeen dadka u dhashay beesha
ee ku suggan magaaladda muqdisho oo ilaa iyo iminka aan ka hadlin
dudsiinta waxa ay xaqa u leeyihiin,Waxayna ka codsadeen Dawladda ku meel
gaarka ah in xilka laga qaado Xildhibaan Hussein Mahamed Jaamac Kaynaan oo
ay sheegeen in si khaldan jagadaasi loogu qoray,Maadaama uusan aqoon
buuxda u lahayd jagadaasi iyada ah
Warsaxaafadeedkani waxaa ugu dambayntii lagu sheeggay in ay
soo dhawaynayaan heshiiskii ay dhawaantan magaaladda Sanca ee caasimadda
dalka Yemen ay ku gaareen Madaxwaynaha dawladda ku meel gaarka ah iyo
Guddoomiyaha barlamaanka oo ay sheeggeen in ay wax wayn ka tarayso horray
u socoshaha xukuumadda federalka soomaaliyeed soona afjaraysa khilaafka
gaamuuray ee u dhexeeyey golayaasha dawladda