Maxamed Dheere oo kulamo la leh madaxda EthiopiaHogaamiyaha
dhinaca siyaasada ee gobolka shabeelada Hoose Maxamed dheere oo shalay
ka dagay magaalada Adisaba ee dalka Ehtiopia ayaa maanta kulamo leh madaxda
sare ee dowlada ethiopia, wararka ka imaanaya Ethiopia ayaa sheegaya labada
dhinaca ka wada hadleen amuuraha Soomaliya iyo heshiiskii dhawaan dhexmaray
Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullahi yusuf Ahmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka
Sharif Xasan sheekh Adan ee dhacay dalka Yamen.
Warar Xog ogaal ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sidii looga hortagi
lahaa argagixisada geeska africa, inkastoo wadamada Ethiopia iyo Somaliya ku
jiraan xilli adag dhinaca siyaasada iyo nabadab, Soomaliya ayaa baryahan
danbe ka soo raynaysa marka laga eego heshiisyadi dhawaan ay gaareen madaxda
sare ee Soomaliya.
Dalka ehtiopia ayaa wuxuu xilligan ku jiraa xaalad maalinba maalinta ka
danbaysa ka sii daraysa iyadoo wadamada deeqda bixiyaa ay ka muujiyen walaac
ah dhinaca xuxuuxul insaanka, si kastaba ha ahaatee maamulka ehtiopia ayaa
waqtigan wuxuu argagixiso u yaqaana hadba cida ku diidan fikirka.
RSTVonline.com
Samatar
|