Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Xaalada Dadka ku xidhxidhan Yucub oo noloshooda laga soo dayrinayo.

Dad lagu qiyaaso 31 qof oo laga soo xidhxidhay magaalada Wafdhuug oo ka tirasan gobolka Wardheer ee deegaanka ismaamulka soomaalida Ethiopia (Ogaden)ayaa xaaladooda nololeed laga soo dayrinayaa. Tirade dadka la qabqabtay oo ay ahayd 60 qof ayaa intii kale la sii daaya todobaad ka dib, iyadoo 31 ka mid ah dadkaas wali ay ku xiranyihiin magaalada yucud oo u dhow wafdhuug meesha shacabkaas laga soo qabqabtay markii hore. Sababta loo haysto ayaa wararku waxay sheegayaan inay tahaya inay taageersan yihiin Ururka mucaaradka ku ah dowlada Ethiopia oo dagaalka hubaysan kala soo horjeeda Maamulka Adisababa loona yaqaano ONLF.

Waxaa kale oo lagu soo waramayaa inay ku jiraan tiro dumar ah oo aad u tabaalaysan, jirdil ba’ana lagu sameeyay, gabadh ka mid ah dumarka halkaa lagu hayo ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay gamcaha laga jajabiyay, gabadhaas oo magaceeda la yiraahdo Kiin Haybe, ayaa xaaladeedu ka sii darayasaa, ilaa iyo hadana gabdhaas oo dhaawac daran ka soo gaaray Jirdilkii lagu sameeyay maysan helin gargaar dhinaca caafimaadka, si kastbas ha ahaatee hay'adaha xaquuqul insaanka ee ka howlgala bariga Africa ayaan illaa iyo hada aan booqan halka dadkan lagu hayo, iyagoo xusay inay maqleen xaalka dadkan balse ay howshooda gali doonaan, hadaba su aasha is weydiinta mudan waxay tahay xaalada dadkaasi ma mid sugi kartaa qabanqaabo hada kabacdi la isgu diyaariyo in la arko, iyadoon waliba la hubin sida ay suurto gal ku tahay in dadkaa dhibaataysan wax loo qabto

 

RSTVonline.com

Jigjiga