| |
war saxaafadeed ka soo baxey Shirka koowaad ee lagu aasaasay urur
loogu magac-daray MIDOWGA KOONFURTA SOOMAALIYA”“SOUTHERN SOMALI UNION (SSU)”.
Shirweyne labo maalmood socday laguna qabtay magaalada
Columbus, Gobolka Ohio ee carriga Mareykanka, ayaa waxaa looga dooday
dhibaatoyinka haysta dadweynaha u dhashay koonfurta Soomaaliya, isla
markaasna waxaa lagu soo bandhigay istratejiyad looga hortegi karo xannuunka
iyo walbahaarka ku habsaday bulsooyinka aan hubeysnayn ee ku nool Banaadir,
Shabeellada Hoose, Jubbooyinka iyo Gedo.
Shirweynaha waxaa ka soo qaybgalay ergooyin ka kala yimid
Mareykanka iyo Kanada oo tiradoodu gaarayso 200-250 xubnood, waxaana
telefoon kala socday qaar kaloo badan oo ku nool dibeddaha. Shirweynahan
waxaa lagu aasaasay urur la magac baxay MIDOWGA KOONFUURTA SOOMAALIYA ama
loo yaqaan “SOUTHERN SOMALI UNION (SSU)”. Ururkan wuxuu mideynayaa isla
markaasna abaabulaya dadweynaha u dhashay gobollada koonfureed ee Soomaaliya
oo dhulkoodii ay xoog ku qabsadeen kooxo hubeysan oo ka yimid gobollo kale.
Ururkan waxaa ka mid noqon kara qof kasta oo u dhashay koonfurta Soomaaliya
iyo qof kasta oo soomaali ah (cid kasta ha u dhashee) oo si xoog leh uga soo
horjeeda addoonsiga iyo in qolo ay qabsato qolo kale.
Ka qaybgalayaasha waxay ku faraxsan yihiin in shirweynahan
koowaad ee MIDOWGA KOONFURTA SOOMAALIYA ee waqooyiga Ameerika ku dhammaado
si guul leh, waxayna si dhab ah u rajeynayaan in go’annada ka soo baxay ay
xal waara u noqdaan dhibaatooyinka dalkeenna hooyo guud ahaan, gaar ahaanna
koonfurta Soomaaliya.
Mar murtiyeedkan, annagoo ah ururka SSU waxaan si cad ugu
muujineynaa mowqifkeenna ku aaddan xaaladda dhabta ah ee maanta ku sugan
tahay koonfurta Soomaaliya iyo arrimo kale oo dhowaanahan lagu soo bandhigay
wararka (news), kuwaasoo aan garowsannahay in lagu bah dilaayo dadweynaha u
dhashay koonfurta Soomaaliya.
Waxaan si cad u diidannahay kuraasta yar ee laga siiyey
bushada banaadiriga maamulka cusub ee Muqdisho, waxaana si cad u
cambaareynayna siyaasiyiinta iyo qabqablayaasha dagaal ee isu bahaystay
curyaaminta iyo ku xadgudubka xaquuqda dadkeenna.
Waxaan u aqoonsannahay maamulka sharci darrada ah ee
Gobolka Shabeellada Hoose ee uu abuuray Cabdilqaasim haddana uu hoggaamiyo
Yuusuf Indhacadde iyo Isbahaysiga Dooxada Jubba ee ay hoggamiyaan Barre
Hiiraale iyo Yuusuf Seeraar inay yihiin gumeysi cusub oo adeegsanayo,
cabburin iyo wuxuushnimo lagu hantiyo gobolladaas. Maamuladaas waxay
adeegsanayaan addoonsi siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waxayna bah-dil
ballaaran ku hayaan shacbiga Banaadir, Shabeellada Hoose, Jubbooyinka iyo
Gedo.
Waxaan ka codsanaynaa dawladaha, ururrada caalamiga ah iyo
shaqsiyaadka maalgeliya ururrada “NGO”yada ee hadda ka hawlgala gobollada
la haysto iney degdeg u joojiyaan kaalmada dhaqaale iyo taagerada ay
siiyaan “NGO”yadaas.
Waxaan rumeysannahay in “NGO”yadaas ay si toos ah iyo si
aan toos ahaynba u fidiyaan dhaqaale iyo taageero kale oo sii adkeeya
haysasha iyo adoonsiga lagu hayo dadweynaha u dhashay koonfurta Soomaaliya.
Waxaan ka codsanaynaa Jimciyadda Qaruumaha ka dhexeysa iyo
Ururrada Caalamiga ee Xuquuqda Aadamiga iney baaraan dhammaan noocyada
kala duwan ee cabburinta iyo ku xadgudubka xuquuqda aadamiga ee ka socda
koonfurta Soomaliya.
Waxaan ugu yeereynaa Dawladda Federaalka ku-meelgaarka ah
ee Soomaaliya iney joojiyaan nooc kasta ee xiriirrada iyo gorgortanka ay
la leeyihiin dagaal-oogayaasha maamula dhulalka la haysto.
Waxaan rumeysannahay in xiriirradaas aysan wax faa’ido ah
u lahayn Dib uheshiisiinta Soomaaliyeed, balse ay la mid tahay aqoonsi
lagu xalaaleynayo haysashada dhulalkaas.
Waxaan ku tirtirsiinaynaa Ururrada Caalamiga ee Ilaaliya
Dabeecadda inay soo dhexgalaan isla markaasna gacan nagu siiyaan sidiii
loo joojin lahaa baabi’inta dabeecadda iyadoo kala sooc la’aan loo jaro
geedaha dhuxusha laga shito iyo dareen la’aanta dalalka Bariga Dhexe oo
dhuxusha looga dhoofiyo Soomaaliya.
Waxaan kaloo cambaareynayna haraaga sunta ee lagu shubo
dhulalka xeebaha ee Soomaliya.
Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed ee
nabadda jecel inay ku soo biiraan halgankeenna nabadeed si loo xoreeyo
dadweynaha koonfurta Soomaaliya iyo iney nagu kaalmeeyaan hirgelinta
nabadda iyo dimoqraadiyadda ee Dalkeenna Hooyo.
Waxaan caddeynaynaa inaan ka soo horjeedno isla markaasna
si adag u cambaareynaynaa wada-hadallada iyo heshiisyada shirqoolka ah ee
dhexmaray Maxamad Dheere iyo Yuusuf Indhacadde, kuwaasoo maamula gobollada
Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.
Waxaan rumeysannahay wada-hadallada iyo heshiisyada ka
dambeeyey ee dhexmaray labadaas dagaal-ooge iney yihiin shirqool iyo
dibindaabyo loo maleegayo dadweynaha u dhashay koonfurta Soomaaliya.
Waxaan si xoog leh u cambaareynaynaa tallaaboyinka
wuxuushnimo ee lagula kacay dadweynaha gobolka Gedo, gaar ahaan
burburintii dhowaan loo geystay degmada Ceel-Waaq iyo barakicintii
dadweynaha deegaanka, tallaabooyinkaasoo Isbahaysiga Dooxada Jubba
horseedka ka ahaa.
Waxaan ka soo horjeedna qaabka laysu raaciyey gobollada
Dalka, si laysugu duwo baahida guud ee dibudhiska Dalka “Joint Needs
Assessment (JNA)”.
Waxaan rumeysannahay haddii ay hirgasho qaabka loo
naqshadeeyey “JNA”da inay tahay wadiiqo kale ee la doonayo in loo
adeegsado kaalmada caalamiga ah in kooxo ay awood ku haystaan dhulal iyo
dadyow kale.
Waxaan ugu yeereynaa Jamciyadda Qaruumaha ka Dhexeysa iyo
Bankiga Adduunka iney si degdeg ah u hakiyaan dhaqangelinta mashruuca
“JNA”da ilaa looga yeelayo muuqaal cad oo loo wada dhan yahay, hase
yeeshee ujeeddooyinkiisa guud loo daayo sida ay hadda yihiin.
Waxaan ugu dambeystii ugu yeereynaa dadweynaha koonfurta
Soomaaliya iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed ee nabadda jecel inay ku
soo biiraan Ururka SSU isla markaasna si wadajir ah u qaadaan olole
ballaaran oo looga soo horjeedo haysashada iyo addoonsiga koonfurta
Soomaaliya.
Wa-Billahi-Towfiiq
Warbixintani waxaa nasoo gaarsiiyay
Sheikh noor Qasim
sheikh Nor@hotmail.com
|
|