Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Waxgarad ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota oo si wada jir ah u soo saaray go'aamo.

Galabtii Axadda ee February 19, 2006 waxaa xarunta Brian Coyle ee Minnesota isugu yimid xubno ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee Miinesota kuwaas oo si wada jir ah baaq u soo wada saaray

Baaqa ama bayaanka ay soo saareen waakan:

1) Waxaan taageersanahay Heshiiskii Cadan

2) Waxaan taageersanahay heshiiskii Gaalkacyo

3) Inuu baalamaanka Soomaaliyeed ku shiro dalka guduhiisa (Baydhabo)

4) In loo gurmado waxtarka dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ku tabaaloobay ee sida badan u dhimanaya.

5) In si dhaqso ah loo joojiyo colaadaha sokeeye iyo dhiiga walaalaha daadintiisa

6) In la ixtiraamo diinta islaamka, dhaqanka iyo afka soomaaliyeed iyo weliba culimada Soomaaliyeed

Waxaa kale oo aad looga hadlay shirka xaaladda abaaraha ee dadkeenu ku habsatay iyo sida ay u liitaan. Xogwaranka laga bixiyey goobta ayaa waxaa ka mid ahaa in dad badani oo Soomaali ah ay kaadidooda cabaan.

Waxgaradka meesha ka hadlay waxaa ka mid ahaa

1) Mahdi Haile - Gudoomiyaha Somali Solution Center

2) Abdirashid Haile – Gudoomiyaha Ardada Soomaaliyeed ee Minnesota – MSSU

3) Maxamed Xaaji Xuseen – Gudoomiyaha Banadir Community isla maraana ah madaxa Somali Unity Council of Minnesota

4) Amina Costelo oo ah Gudoomiyaha Somali Civil War Survivals of Minnesota

5) Suldaan Ibrow Caliyow

Mudane Mahdi Haile waxaa uu ku tag taagsaday sida loogu baahan yahay in Soomaalida Minnesota midowga iyo wada jirka ku dadaasho iyo weliba sidii ay u taageeri lahaayeem dawladda Soomaaliyeed buu yiri oo ayada khilaafkeedii soo afjartay. Waxgarakan dhamaantood waxay isku raaceen in loo guntado wixii karaanka ah sida loo tari lahaa dadkaas dhibaataysan.

Abdirashiid Haile ayaa yiri “ Horta annaga Minnesota joognaa waa in aan heshiinaa oo wada shaqaynaa sidaas ayaan dadkeena wax ku tari karnaa”.

Maxamed Xuseen ayaa ku adkaystay in adeega guud aanan looga maarmin dawlad. Ilaa dawlad laga helo ammaanka iyo gargaarka abaaraha iyo adeegga guud ayaan dawlad uga baahanahay.

Aamino ayaa ayada aad ugu dheeraatay calool xumida aqbaarta dadkeenii laga soo sheegayo. Marka laga reebo dad iyo duunyo inta le’atay iyo inta kaadidooda cabta ayaa marqaati ka ah dhibta meesha ka jirtaa iyo weliba sida ay u xasuusato abaartii 1992 - Bay.

Suldaan Saalim Caliyow ayaa ayaa ka sheekeeyey in abaartii dabo dheer uu madax ka ahaa Gaalkacyo halkaas oo uu dadka iyo xoolahooda dayuurado soo saari jirey. Gurigayga ayaa lagu soo dejin jirey ayuu yiri taasina waxaa noo suurto gelisay waxay ahayd waa dawladdii jirtay maanta dadkaan ilaah ayaa u maqan ayuu ku soo koobay hadalkiisii.

Waxaa iska goobta laga ururiyey lacag waxaana loo balamay in aan lacag ururin masaajidada lagu koobin ee la qabto xafaldo badan oo lacag lagu uruuriyo.

Maxamuud Nuur Wardheere
Minnesota, USA