
Fanaanadda Xiddigta Saado Cali Warsame Xiddig aan Qorraxi Qarin
Tixraac Qormooyinkii horre ee Fanaaninta Somaaliyeed, Mu,alifiinta iyo
Mulaxiniinta Bahdda
Fanka Somaaliyeed ee Xurmadda iyo Sharafta weyn mudan, oo aan Qormo iyo
Labo-toona
lagu soo koobi kareen wax qabadkoodii iyo heerka aqoontada Sugaaneee iyo
Xikmadeedba.
Maanta waxaa Jeclaan lahaa in aan in yar ka taabta Habka Fanaaneed
iyo Dadnino ee Xidigta
Weyn ee Caanka ah-Cunaabeey-SAADO CALI WARSAMME, shaki kuma jirro in
Magacaasu
yahay mid si weyn loo wadda garanaayo mudo dheer eey maqlaateen dhegaha
Dadweynaha
Somaaliyeed Heesaha Badan ee Saadona si weyn loo Jecel yahay iyo qaabka
Qurxoon ee
Jilista Riwaayadaha ee gaar u ah Saado, Balse waxaa Dadweynaha
intooda badan ka qarsoon
Dhanka Qof ahaaneed iyo Sifooyinka gaarka ah ee Saado Cali Warsamme,
Waxeeyna ka Soo
Jeedaa Degaamadda Taariikhda Weyn ee Wadaniyadda ah leh, Dhulkii
Daraawiishtii Geesiyiinta ahaa, Saad Aabaheed Cali Guray ayaa ahaa Oday
dhaqameed Xurmo iyo Qadarin
ku lahaa Degaanka Buuhoodle iyo Guud ahaan Beelaha Reer Howdka.
Saada Cali (Cunaabeey) waxeey asal ahaan ka Soo jeeda Degaamadda
Taariikhda weyn ku
leh Halgaankii Xoriyadda Somaaliyeed Xurumuhii Darwiishkii, Halyeeygii
Geesigii Weynaa
Sayiid Maxamed Cabdulle Xassan, Waxaa Kalle oo Degaanka ka Dhasahy
Shakhsiyaadkan:-
1-Sugaan Yaqaan Al-Mujaahid Halyeey- Ismaciil Mirre.
2-Sugaan Yaqaan Af-tahankii Weyn, Cali Dhuux.
3-Mujaahid Halyeeygii Weyn, Faarax Caga-Dhiig.
4-Gabayaagii Weynaa, Khaliif Axmed.
5-Gabayaagii Weynaa, Aden Carab.
6-Guurtigii Weynaa, Xaaji Cumar Cameey.
7-Guurtigii Weynaa, Shariif Dhega Cadde.
8-Guurtigii Weynaa, Al-Xaaji Cali Abokor.
9-Gen-Max,d Cali Abokor.
10-Col-C/Laahi Shariif Dhega-Cadde.
11-Gen- Xamse Max,d Gaada-weyne.
12-Garaadkii Weynaa, Wadani Caanka, Garaad Cali Garaad Jaamac.
13-Garaad C/Qani Garaad Jamac.
14-Garaad, Soofe.
15-Garaad, C/Laahi Garaad Soofe.
16-Garaad Abshir Saalax.
17-Garaad, Suleeymaan Buraalle.
18-Garaad, Maxam,ed Garaad Suleeymaan.
19-Aqoonyahan. Axmed Jaamac Jangeli.
20-Aqoonyahan, Xaashi Cabdalle.
21-Aqoonyahan Diplomaasiga Caanka, Axmed Max,de Aden(Qeybe).
22-Aqoonyahanka Wadaniga Weyn, Max,d Max,ud Khaawi.
23-Dr-Max,d Xisr Khaali.
23-Dr-Dhege Weyne.
23-Dr-Axmed Xaashi.
23-Qalin Yaqaanka Caanka Dr-Heyd.
24-Dr, Cabaas Gaadaweyne.
25-Al-Wadani Dr-C/Raxmaan Ceeydiid Dhab-dhable.
26-Caaqil, Maxud Xaaji Cumar Cameey.
27-Al-Shahiid, Al-Wadni Max,ud Dabagooye iyo Kumayaal iyo Kumanyaal
Shakhsiyadood
oo Taarkhida Somaaliyeed Kaalimo Sharafeed kaga Jirra, Xurmo iyo Qadarin
Gaar ahna
Mudan oo Halkan lagu Soo Kobi Kareen, Balse u Baahanaaya Bogag iyo Bogag
lagu Qorro.
Fanka iyo Habka Luuqinya Wanaagsan ee Saado ayaa ah kuwo siinaaya Mudan
gaar ahaaneed iyo in eey tahay Xidig weyn, Fanaanad Caan ah oo ka mid ah
kuwa Safka Horre
Sidda:- Marxuumadda Magool, Xidigta Sahra Axmed, Hibo Nuura, Baxsan,
Khadra Daahir,
Aamina C/Laahi, Faaduma Qaasim, Maan-deeq,iyo Seeynab Cigge, oo ah
Fanaaniinta la
oran karro kaa kuwo Safka Koowaad Dhinaca Haweenka, Saado waxeey ka soo
qeyb qaadatay Riwaayado Badan oo Xiiso weyn lahaa, Sidda Riwaayadii
Wadanigga aheyd ee uu
Curiyeey Abwaan, Maxamuud C/Laahi Sangub ee Magaceedu ahaa-Xoriyo, oo
Saado Cali
ka aheyd Xidigta Koowaad kuna muujisay Xeeladeeda sarre iyo habka wacan ee
Jilaanimo
iyo Luqadeedda iyo Naaxiyadeeda Habka Heesaha, iyadoo aan marna la illaawi
kareen Doorkii
iyo Hanaankii Jilaa,eed e Xidgta Weyn- Feeynuus Sheekh Daahir.
Saado Cali, Waxeey sidii ku habooneyd u gudateey Masuuliyadda damiir iyo
Dadnimo ee
Dhanka Dalkeedda iyo Dadweynaha Somaaliyeed ka saarnaa Maadaama eey aheyd
Fanaanad Heer Qaran ah, waxeey ka qeyn qaadatay Heesihii Wadaniga ah ee
Wajigga
Halganeed lagaa laguna dhaliilaayeey Hogaankii Rajiinkii Kacaanka oo
Dhibaatooyinka
Badan soo mariyeey Dadka Somaaliyeed, eeyna habooneyd ee Xukunka isbedel
lagu
Sameeyo, iaydoo eey jirtay Aragtidda ah in Hogaamiyuhu Caafimaad ahaan
gudan karrin
Masuuliyadda Weyn ee uu Qaranka u hayeey, Waxeey Saado Codkeeda Cajiibka
ah ku
soo bandhigtay Heesihii uu Curiyeey Abwaan- Cabdi Muxamud Amiin ee
Tusaaleeyn iyo
Tilmaanta ahaa, Waxeeyna ku Muteeysatay Xoriyad ka qaadid iyo Xarig
Dowladii u Geeystay,
Dhanka Dadweynahana Xurmo iyo Qadarin weyn, Habka Wadaniyadda iyo Qiiradda
Dal
Jaceyl iyo Milgadda Gobeed ayaa ah Asali eey Saado ka Wadato Dadkeeda iyo
Degaanka
Taariikhda leh oo ilaa Hadda Hab Dhaqmeedkii iyo Hanaankii Asaliga aha ka
Jirro, Xishoodka
ayaa Milgo Astaameed u ah Degaamadaas Bilicdda San leh, Howga Geel iyo
Xoolaha Hebada
u leh(B u u h o o d l e).
Saado Cali, Waxeey leedahay Sifooyin aad iyo aad u Wanaagsan oo eey
Tixgelin weyn ku
Mudan tahay Waxaana ka mid ah Tusaale ahaan:-1-Dad la dhaqanka(Waxeey si
weyn u
Xurmeeysaa Dadka gaar ahaan Fanaaniintii Somaaliyeed). 2-Ku Dadaali la
socdka Xaaladda
Fanaaniinta. 3-Xiriir Wanaagsan iyo Walaalnimo weyn oo eey la leedahay
Bahdda Fanka.
4-Saado Waxeey Jaceshay in Fanaaniinta Yeelato Iska War qabid iyo Is
Caawin. 5-Saado
Waxeey Leedahay Hab Niyad Samid iyo Calool Wanaag. 6-Saado waa Qof Gacan
Furan
Dhina Deeqsinimadda. 7-Saado Hab Beeleed iyo Qabyaalad adeegidda ayaay
Nadiif ka tahay,
Waxeeyna leedahay Sifo Wadiniyadeed iyo Hanaan Qarameed. 8-Saado waa Qof
Si Weyn u
Naceeyb Dulmigga iyo Xaq daro Sameeynta, waa Tusaalooyin Yaer yer ah oo
aan ka soo qaatay Sifooyinka Wanaagsan iyo Dadnimadda Xidigta Weyn ee
SAADO CALI WARSAMME.
Iyadoo la wadda ogyahay Xaaladda qalafsan iyo dhibaatooyinka waaweyn ee
Dalkeenii hooyo
ka jirra iyo guud ahaanba Xaaladda Ummadda Somaaliyeed ku Sugan tahay oo
ah mid si
weyn looga xumaado ama looga naxo iyo Fanka Somaaliyeedna la qabaa Ummadda
Dhibka
iyo Dayaca weyn ee Meesha yaala, inkastoo Saado Dhoowr Heesood oo
Wadiniyadda ku
Saleeysan Tusaaleena u ah Ummadda Somaaliyeed Tirisay Hadan Saado iyo
Fanaaniinta
Dhigeedda ah(Rag iyo Dumarba) ma qaadan doorkii laga filaayeey, Hanuuninta
iyo Wacyi-
gelinta Ummadda Somaaliyeed, Anigoo Qormadan Gaaban soo Gunaanadaaya
Waxaan oran
karaa marka Xaqiiqadda dhabta ah la sheego Xidigta Fanaanadda Somaaliyeed
SAADO CALI
WARSAMME(Cunaabeey), Waa Xidig aan Qoraxi Qaran, waa Shakhsiyad Wadinimo
weyn leh, waa Muwaadinad Dhab ah, waa Qof bani aadnimadda wacan leh,
Dadweynaha Somaaliyeedna Xurmo, Qadrin iyo Tixgelin weyn u hayaan, Aniguna
Salaan Qaali ah ayaan
Halkan ugu Gudbinaayaa Xidigta Fanaanadda Somaaliyeed Saado Cali Warsamme,
Nacam
oo Nacam Wadaniyad Asal ah, Taariikhdda Ummadda Somaaliyeed Ayaa Xusi
Doonta Halka
Saado kaga Qormi Doonto oo Khad Dahab ah lagu Xardhi Doono, Diiwaan aan
Duugoobin
ayaa la gelin doonaa Saado Cali, Maryan Mursal iyo Intii Dalkood Daacada u
ahba.
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-huddersfield-England-
|