Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maanta Feb.2,1990 Waa Maalintii lagu dhawaaqey in la sii  daayo Nelson Mandela .

Sida laga yaabo in dad badani Xusuusan yihiin sanadkii 1990kii Bishii Febraayo 2deedii ayey ahayd markii Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika F.W. de Klerk uu ku dhawaaqey in xabsiga laga sii daayo Hogaamihii ururka ANC African National Congress ee dadka madow Nelson Mandela. Mandela waxaa xabsiga la dhigey sanadkii 1964 isagoo lagu xukumey xabsi daa'in. arrintaasi waxey horseedday in xayiraaddii laga qaado ururka  ANC oo muddo 30 sano ah uu mamnuuc ka ahaa K/Afrika.

Markaasi ka dib Sanadkii1993 Mandela iyo de Klerk ayaa si wadajir ah waxaa loo guddoonsiiyey Billadda Nobel Peace Prize. sanadkii xigey Mandela wuxuu noqdey Madaxweynihii ugu horreeyey ee madow ee ay Yeelato Jamhuuriyadda K/Afrika taasi oo uu ku heley cod Aqlabiyad ah.

Muddo 5 sano ah ayuu ahaa Madaxweyne ka dibna wuu ka fariistey sanadkii 1999kii. Mandela hadda waa nin da' ah waana mid ka mid ah siyaasiyiinta nool ee loogu Ixtiraam badan yahay dunida.

Xusseen M. Xaaji

RSTV INDIANA