|
Warbixin ku Saabsan Isbaarooyinka Muqdisho ilaa Balad Weyne.
Sida aan la socono dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay dhibatooyin faro
badan oo aan halkaan lagu soo goobi Karin, waxaana ka mid ah
dhibaatooyinkaas isbaarooyinka teedsan waddooyinka isku xira gobolada dalka
Soomaaliya,.
Haddaba si aan wax uga ogaano dhibaatooyinka ay sabatay isbaarooyinka
ayaan waxaan warbxin kooban ka diyaarinay isbaarooyinka yaala waddada isku
xirta B/weyne iyo Muqdisho, waxaana yaala in kabadan 20 ibaaro oo ay u kala
taalo Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Dheere iyo maleeshiyo beeleedyo kuwaasoo
ay u taalo isbaarooyinkaas laga soo bilaabo tuulada Fiidow oo ah halka kala
barta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe iyo ilaa deegaanka lagu magacaabo
Burdaar.
Guud ahaan ibaarooyikaas ayaa waxaa dhibaato weyn ku qaba dadka safarka
ah iyo weliba gawaarida noocyadooda kala duwan.
Isbaarooyinkaas ayaa ah kuwa kala darran mar laga hadlayo isbaarada,
waxaana ugu daran isbaarada taala marka laga soo baxayo suuqa xoolaha oo ka
tirsan magaalada Muqdisho, taasoo looga qaaday gaarigii aan la socday lacag
dhan 300,000 oo Sh.S., halka tan taala xeradii Maslax Maxamed Siyaad lagu
qaaday lacag iyana dhan 400,000, waxayna u taalaa labadaasi ibaaro oo aan
soo sheegnay Bootan Ciise oo ah wasiir ka tirsan DFKMG.
Marka laga soo tago labadaasi isbaaro waxay ka bilaabataa isbaarada Xaaji
Muuse Suudi deegaanka lagu magacaabo Darnoole, taasoo looga qaaday gaarigii
aan la socday lacag dhan 500,000 oo kun Shilin So.
Xaaji Muuse oo wasriika ganacsiga DFKMG waxaa u taala saddex isbaaro laga
soo bilaabo Darmoole ilaa iyo Garsaale oo ah halka uu ku eg yahay Xaaji
Muuse, waxaana noogu horeysay isbaaro marka aan ka soo gudubnay
isbaarooyinka Xaaji Muuse, isbaarada Maxamed Dheere oo ku taalo halka laga
soo galo magaalada Jowhar oo ah Koongo.
Maxmed Dheere oo ah ninka ka arrimiya magaalada Jowhar, ahna ninka
martigeliyey DFKMG oo uu khilaafka hareeyey waxaa u taala saddex isbaaro,
isbaarooyinka Muuse iyo M/dheere waxay lacagta isbaarada u qaadaan halqaab
oo hal meel kadibna waxay siinayaan gawaarida boono, taasoo ay uga gudbayaan
isbaarooyinka kale oo ay markaasi hoos yimaada labadaas nin.
Isbaarooyinka yaala inta u u dhaxeeysa Fiidow ilaa Burdaar ayaa waxaa ku
yaala 12 isbaaro oo ay dhigteen maleeshiyaad qabaa’il oo aan cidna ka amar
qaadan, laakiin maleeshiyaadkaas waxaa la siiyaa hadba lacagta ay isku
afgartaan horjoogayaasha gawaarida noocyadooda kala duwan.
Anigoo ah qoraaga qormadan waxaan intii aan ku guda jiray socdaalkeygii
B/weyne Ilaa Muqdisho ayaan waxaan cilmi baaris ku sameyey isbaaroyinka
teedsan waddada isku xirta Muqdisho iyo B/weyne, waxaana ii soo baxday in
dadka safarleyda ah ay dhib ku qabaan isbaarooyinka tuban waddooyinka,
waxaana dhibaatadaas looga gudbi karaa iyadoo la helo nidaam dowli ah oo soo
celiya sharciga iyo nidaamka.
Ugu dambeyntii marka laga reebo isbaarda M/dheere isbaarooyinka kale
dadka rakaabka ah laguma baaro.
Si aan arrintaas wax uga ogaado ayaa waxaa ii soo baxday in ay maamulka
M/dheere ku dhaqmayaan qaab nidaami ah, waxaana ii xaqiiqowday sheegadii aan
ku maqli jiray magaalada Muqdisho oo hayd Jowhar dadka ayaa lagu baara oo
aniga xitaa rakaabkii I la socday waa nala baaray.
WAXAA ISKU SOO DUWAY: AXMEDSAADAQ YUUSUF MAXAMED
|